Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maxkamad Derek Chauvin ku caddeysay inuu dilay George Floyd

Minneapolis (Halqaran.com) – Derek Chauvin oo ah askari horay uga tirsanaa booliska magaalada Minneapolis, kuna eedeeysnaa dilka George Floyd oo ahaa nin madow ayaa maanta lagu helay dhammaan danbiyadii lagu soo oogay.

Chauvin ayaa lagu helay saddex danbi oo kala ahaa, darajada labaad ee dil aan qasdi aheyn, darajada saddexaad ee dil ula kac ah iyo darajada labaad oo ah dil aan ula kac aheyn.

Galabta xilliga magaalada Mineapolis, markii ay guddigi xeer-beegtida aheyd ay ku dhawaaqeen go’aankooda oo ahaa in Derek Chauvin uu danbiile yahay, ayaa markiiba waxaa bannaanka maxkamadda ka billowday dabaaldag ay sameeyeen ehelka iyo taageerayaasha George Floyd iyo dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda bulshada madow.

Floyd ayaa sannadkii hore u dhintay neef-xiran, kaddib markii uu muddo 9 daqiiqo ah uu surka jilibkiisa ugu taakeeyay Derek Chauvin oo markaasi ahaa askari ku jira waajibaadkiisi shaqo.

Muuqaalkii laga duubay dhacdada ayaa kiciyay, mudaharaadyo ruxay Mareykanka lagana dareemay inta badan caalamka.

Chauvin ayaa la xiray kaddib markii lagu dhawaaqay xukunkiisa, iyadoo garsooraha maxkamadda degmada Hennepin uu laalay damaanaddii uu bannaanka ku joogay, wuxuuna sugi doonaa ciqaabta dambigii lagu helay, kaas oo siddeed toddobaad kaddib lagu dhawaaqi doono.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...