Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, madaxda Dowlad-Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta ka nasanaya shirka Wadatashiga Qaran ee arrimaha doorashooyinka sida Halqarannews ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Madaxda oo heshiis ku gaartay wadahadalkii billowday 22-kii May 2021 ayaa isku fahamtay in Khamiista oo berri ah 27-ka May 2021 munaasabad lagu soo bandhigayo heshiiska isla markaana ay ku saxiixayaan ay ka dhacdo magaalada Muqdisho sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda Dowlad-Goboleedyada ayaa Arbacada maanta ah sii wadaya kulamada iyo wadatashiyada ay la leeyihiin musharraxiinta, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo shaqsiyaadka ay u arkaan in ay door ku leeyihiin doorashooyinka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq waxa uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu u sheegay in heshiis wadajir ah ay wada-gaareen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo gobolka Banaadir si dalka uu u galo doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada.
Shirka wadatashiga qaran ee furmay 22-kii May 2021 waxa uu ka duwanaa kulamadii hore ee madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay uga xaajoonayeen arrimaha doorashooyinka dalka maadaama buuqa iyo is qab-qabsigooda kasoo gudbi jiray xeendaabka wadahadalka ugu dambeyn ay ku kala tagi jireen.
Balse doodda qodobada diiradda saaran ee salka u ah qabsoomidda doorashooyinka kama soo gudbin hoolka wadahadalka waana tan keentay in shirkaan uu ka duwanaado kulamadii hore maadaama madaxda ay xadideen is qab-qabsigooda hoose.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





