Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Sweden oo $9 milyan ugu deeqday Soomaaliya si arrimaha caafimaadka wax looga qabto

Sweden (Halqaran.com) – Safaaradda Sweden ee magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqday inay Soomaaliya ugu deeqday 75 milyan oo lacagtooda kronarka ah una dhiganta 9 milyan oo doolarka Mareykanka ah si loogu xoojiyo adeegyada caafimaad ee Soomaaliya si loo xoojiyo caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.

War qoraal ah oo safaaradda laga soo saaray ayaa lagu sheegay in lacagahaasi ay usoo marsiinayso Hay’adda UNICEF Soomaaliya, lacagahaan ayaa sidoo kale wax loogu qaban doonaa sidii loo yareyn lahaa cudurka Covid-19.

Safiirka Safaaradda Swedan ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander ayaa sheegay in arimahaani wax weyn ka tari doonto xaquuqda caruurta iyo badbaadada hooyada iyo dhalaanka, waxaana uu caddeeyay in tan qeyb ay ka tahay xoojinta iyo garab istaaga dowladda Soomaaliya.

Lacagahaan ayaa sidoo.kale wx loogu talagalay caruurta waxyealadu kasoo gaartay dagaaladi sukeeyay iyo kuwa caruur horey loo askareeyay.

In kabadan 5.9 milyan oo qof oo Soomaali ah oo ay kujiraan 3.9 milyan oo carruur ah ayaa u baahan gargaar biniaadamnimo sanadkaan 2021 kuwaasi oo saameeyeen fatahaadihi ugu dambeeyay, dhibaatadii Anyaxa iyo Coronavirus sida QM ay sheegtay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...