Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Maleeshiyaad dad isku qoys ah ku dilay Balanballe

Galgaduud (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaray deegaanka Garasle ayaa sheegaya in 3 ruux oo mid ay tahay haween ay geeriyoodeen kadib markii koox maleeshiyo beeleed ah ay xalay qoys ku weerareen meel u dhow deegaanka garasle oo Dagmada Balanballe ujirta masaafo dhan 100km oo dhanka galbeed ka xigta.

Saddexda ruux ee dhimatay ayaa kala ah laba wiil oo  walaalo ah halka gabadhana ay abti u ahaayeen.

Meydka qoyskan xalay gurigooda lagu laayay ayaa waxaa la keenay balanballe sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah halka kooxdii falkan geysatay ay ka baxsadeen goobta uu falku ka dhacay.

Deegaanada Galgaduud ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa kusoo batay dilalka ku saleysan aanooyinka qabiil.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...