Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Film sameeye caan ah una dhashay Iran ayaa waxaa dilay oo jarjaray waalidkiisa kadib markuu diiday in uu guursado!

Iran (Halqaran.com) – Babak Khorramdin oo ahaa film sameeye u dhashay Iran ayaa la sheegay in ay dileen waalidkiisa dilkaas oo lagu sheegay “Dil Sharafeed” kadib markii uu diiday in uu guursado.

47-jirkaan film sameeyaha ahaa kaasoo deganaa London ayaa meydkiisa oo jarjaran laga helay haamaha qashinka magaalada Ekbatan oo ku taalla Galbeedka Tehran.

Madaxa Maxkamadda Dembiyada ee Tehran Mohammad Shahriari ayaa sheegay in aabuhu uu qirtay inuu suuxiyay wiilkiisa ka hor inta uusan mindi ku dilin wuxuuna sheegay in uu jarjaray jirkiisa kadibna uu ku tuuray haamaha qashinka.

Babak ayaa sameeyay dhowr film waxaana kamid ah Crevice and Oath to Yashar kaasoo ka hadlayay wiil dhalinyaro ah oo u guuray London si uu u sii wato waxbarashadiisa kaasoo marka dambe usoo laabanaya qoyskiisa.

Film-kan ayaa ka sheekeenaya noloshiisa markuu u guuray London 2010-kii si uu u sii wato barashada habka loo sameeyo filimada.

Booliska oo baaraya arrintaan ayaa sheegay in caddeymo dheeri ah ay ka heleen guriga film sameeyahaan, iyadoo labada waalidba loo taxaabay xabsi ku aadan dambigan foosha xun, waxaana weli socda baaritaanno dheeri ah.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...