Mareykanka oo soo dhaweeyay in madaxda dowlad goboledyada la isugu keeno Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Safaaradda Mareykanka ee uu ku leeyahay  Soomaaliya ayaa ku boggaadisay Madaxtooyada Villa Soomaaliya inay si wadajir ah magaalada Muqdisho isugu keento Madaxda dowlad Goboleedyada, si loo dhammaystiro heshiiska doorashooyinka 2020/2021.

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa loogu mahadceliyay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudgu mudane Axmed Qoorqoor doorkii weynaa ee uu ka qaatay hoggaaminta Shirkii Dhuusamareeb 3.

Sidoo kale, waxaana lagu diirageliyay dowladda Soomaaliya in dowlad goboleedyada dalka inay dhammeystiraan mabaadi’da heshiis ku saabsan si afgarad ballaaran.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay soo jeedisay in dhammaan dhinacyada laga doonayo tanaasul, heshiis wadajir ah iyo horumar wanaagsan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com