Wednesday, April 29, 2026
31.9 C
Mogadishu

Mareykanka oo soo dhaweeyay in madaxda dowlad goboledyada la isugu keeno Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Safaaradda Mareykanka ee uu ku leeyahay  Soomaaliya ayaa ku boggaadisay Madaxtooyada Villa Soomaaliya inay si wadajir ah magaalada Muqdisho isugu keento Madaxda dowlad Goboleedyada, si loo dhammaystiro heshiiska doorashooyinka 2020/2021.

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa loogu mahadceliyay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudgu mudane Axmed Qoorqoor doorkii weynaa ee uu ka qaatay hoggaaminta Shirkii Dhuusamareeb 3.

Sidoo kale, waxaana lagu diirageliyay dowladda Soomaaliya in dowlad goboleedyada dalka inay dhammeystiraan mabaadi’da heshiis ku saabsan si afgarad ballaaran.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay soo jeedisay in dhammaan dhinacyada laga doonayo tanaasul, heshiis wadajir ah iyo horumar wanaagsan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...