Wednesday, April 29, 2026
30.9 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Bacaadweyne oo kordhay & Wararkii ugu…

Mudug (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug aya sheegaya, in uu sii kordhay khasaaraha ka dhashay dagaal Jimcihii shalay Ururka Al-Shabaab iyo Dad shacab ah ku dhexmaray tuulada Shabeellow oo ku dhow deegaanka Bacaadweyne ee gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa ku dhinatay dagaalkaasi, iyadoo 8 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa sheegaya, in xaaladda tuulada Shabeellow ay deggan tahay, halkaasi oo uu dagaal culus ku dhexmaray maleeshiyada Ururka Al-Shabaab iyo dad shacab ah.

Guddoomiyaha Bacaadweyne, Axmed Daahir Macallin Cabdullaahi oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay, in xaaladda ay hadda xasiloon tahay, balse uu jiro khasaaro badan.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Bacaadweyne:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...