Sunday, January 18, 2026
24.8 C
Mogadishu

Mareykanka oo farriin u diray madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka

Washington (Halqaran.com) – Dowladda dalka Mareykanka ayaa ka dalbatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo  iyo Guddoonka Golaha Shacabka inay si degdeg ah u baabi’iyaan hindise sharciyeedka muddo kordhinta ahaa, kaasi oo horay Beesha caalamka ay uga hortimid.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalka Mareykanka ayaa looga dalbaday labada mas’uul in ay meesha ka saaraan sharcigii baarlamaanku labada sano ugu kordhiyeen Farmaajo, sidoo kalena uu Madaxweynuhu saxiixay.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka ayaa lagu  boggaadiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle sidii ay u diideen muddo kordhinta.

Waxaana loogu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada inay si deg deg ah u kulmaan si loo dhammeystiro qaabka doorasho la isku raacsan yahay, lana qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-ka September.

Hadalka Maraykanka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle ay kasoo horjeesteen muddo kororsigii Madaxweyne Farmaajo, waxaana go’aankooda soodhaweeyay Mas’uuliyiinta mucaaradka ah iyo inta badan saamileyda siyaasadda Soomaaliya.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...