Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Golaha Shacabka oo beeniyay in xilka laga qaadayo Ra’iisul Wasaare Rooble

Muqdisho (Halqaran.com) – Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariim Buux ayaa beeniyay wararka sheegaya in maalinta Sabtida ah xilka qaadis lagu sameynayo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaddib markii saacadihii la soo dhaafay uu soo baxay guux ku saabsan inuu socdo qorshe la doonayo in maalinta Sabtida ah xilka looga tuuro Ra’iisul Wasaarahe Rooble.

“Waxaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagayaa in been abuur ay tahay wararka lagu daabacay baraha bulshada oo ah in maalinta sabtida ah xilka qaadis lagu sameynayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Waxaan  umadda Soomaaliyeed uga  digeynaa in ay ka fogaadaan wararkaas been abuurka ah, u jeedada kulanka wuxuu yahay in maalinta Sabtida ah 1-da May uu madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hor imaan doono mudanayaasha Golaha Shacabka.” Ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariim Buux.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Hotelka Jazeera waxaa uu Guddoonka Golaha Shacabka iyo xildhibaannada kaga digay inay qaataan go’aamo waxyeeleyn kara tallaabadii Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo ay ku diideen muddo kororsigii, kuna baaqeen doorasho aas aaskeedu yahay heshiiskii 17-ka September.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...