Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Midowga Murashaxiinta.
Kulanka waxaa looga hadlay in laga wada shaqeeyo amniga iyo xasilloonida caasimadda iyo in laga shaqeeyo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho si waafaqsan heshiiskii 17-kii September.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo ka warbixiyay kulanka ayaa sheegay in looga hadlay in amniga magaalada Muqdisho laga wada shaqeeyo oo la xoojiyo, isla markaana looga hortegi lahaa waxkasta oo Nabadgelyada wax u dhimaya.
“Ujeedada kulanku waxay ahayd sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadgelyada magaalada Muqdisho iyo sidii dadkii barakacay guryahooda ugu soo noqon la haayeen. Waxaa kaloo laga wadahadlay sidii looga wada shaqeyn lahaa in dalka ay degdeg uga dhacdo doorashadii lagu heshiiyay 17 September 2020” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala oo warbaahinta la hadlay kulanka kaddib.
Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in kulanka looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isla markaana uu ku soo gebagaboobay in laga wada shaqeeyo amniga iyo qabsoomida doorasho wadar-ogol ah.
“Waxaa kulan wadatashi ah yeeshay Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle, Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe, iyo xubno ka tirsan Midowga Murashaxiinta. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka. Doodaha oo kuwo togan ahaa ayaa ku soo gebagaboobay in laga wada shaqeeyo amniga iyo qabsoomidda doorasho wadar-ogol ah oo si nabad iyo xasillooni leh ku dhacda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





