Italy (Halqaran.com) – Magaalooyin badan oo ku yaalla dalka Talyaaniga ayaa billaabay in guryaha ay ku iibiyaan lacag gaareysa 1 doolar. Magaalooyinkan waa kuwa yar yar kana fog magaalooyinka waa weyn kuwaas oo in muddo ah raadinayay dad daga.
Magaalooyinkaas waxaa ka mid ah Sicily, 1968 dhul gariir xooggan ayaa ka dhacay magaaladan taas oo sababtay dadkii iska lahaa guryaha ku yaala magaaladan in ay ku iibiyaan qiima jaban, waxaa kale oo intaas dheer dadkii ku noolaa in ay u guureen magaalooyinka waa weyn si ay u helaan waxbarasho, caafimaad iyo nolol sareysa, taas oo ka dhigtay magaaladaan lama dagaan.
Barnaamijkaan ayaa soo jiitay dad badan, waxaana soo codsaday dad badan oo ku kala nool Mareykanka iyo Yurub inteeda kale.
Guryahaan waa kuwa laga guuray oo baaba’san cidda gadaneysa ayaa looga baahanyahay in ay dhisato.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





