Indonesia (Halqaran.com) – Sidka dhalmada haweenku waxay aalaaba ku buuxsantaa 9 bilood, laakiin haweeney ku nool Induniisiya ayaa sheegtay inay umushay saacad kaddib markii ay dareentay calaamadaha lagu garto haweenka uurka leh.
Sheekadaan ayaa hadal heyn badan ka dhalisay gudaha dalkaas.
Heni Nuraeni, oo 30 jir ah ayaa lagu soo warramayaa inay dhashay cunug caafimaad qaba oo saacad ka hor ay dareentay inay uurkiisa leedahay.
Sababo caafimaad awgeed, seygeeda iyo iyada mayeelan xiriir galmo ah muddo 19 bilood ah, oo laga joogo markii ay dhashay cunugeedii u dambeeyay.
Dhaqaatiirta ayay ku adkaatay inay sabab cilmiyaysan u raadiyaan uurka iyo foosha isla socda oo marqura la soo daristay haweeneydaan.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





