Nairobi (Halqaran.com) – War Caawa ka soo baxay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International qeybteeda Bariga Afrika, ayaa loogu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xaqiijiso in caddaaladda la horgeeyo Cabdirashii Janan oo Arbacadii maanta la sheegay inuu soo galay gacanta dowladda.
Amnesty ayaa waxa ay sheegtay in Cabdirashiid Janaan uu xadgudyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha uu ka geystay gobolka Gedo, loona baahan yahay in sharciga la marsiiyo.
“Hadda oo Cabdirashiid Janan uu soo galay gacanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, masuuliyiinta dowladda waa inay xaqiijiyaan in caddaalad iyo isla xisaabtan loo helo xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee lagu eedeeyay [Janan] inuu ka geystay gobolka Gedo. Dhibbaneyaasha iyo qoysaska ay dhibaatadu gaartay waxay mudan yihiin caddaalad,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay Amnesty International.
Wasiirkii hore ee Amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ( Janan) ayaa Arbacadii maanta lagu soo dhaweeyay degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, iyagoona bulshada goob fagaaro ah kula hadlay.
Cabdirashiid Janan ayaa Wasiirro ka tirsan Xukuukadda XF Soomaaliya waxaa ay ka soo gelbiyeen deegaanka Najax ee Duleedka degmada BeledXaawo, waxaana la socda Gaadiidka dagaalka iyo Ciidamo tira badan.
Now that Abdirashid Janan is in the hands of the federal government of #Somalia, authorities must ensure justice and accountability for all the alleged human rights violations he committed in Gedo. Victims and impacted families deserve justice. pic.twitter.com/oGfhV9iu8r
— Amnesty Eastern Africa (@AmnestyEARO) March 24, 2021
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





