Tuesday, May 12, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Afisyooni

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta la filayaa in shir uu u furmo madaxda maamul goboleedyada dalka iyo Beesha Caalamka, kaasi oo la doonayo in la isugu soo dhaweeyo dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada uu qilaafka kala dhexeeyo.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in madaxweyne Farmaajo uu saaka subax tagay Teendhada Afisyooni, waxaana la sheegay in tagitaankiisa uu saameyn ku yeelan karo shirka la filayo in saacado kaddib uu u furmo Beesha Caalamka iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Farmaajo ayaa waxaa la sheegay in ay wehliyaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana ay sugayaan madaxweynayaasha maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Shirka u dhexeeya maamul goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka maqan madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland , iyadoo ay socoto dadaallo ay wado Beesha Caalamka oo ay isugu soo dhaweynayso dowladda dhexe iyo labada maamul goboleed.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...