Saturday, June 20, 2026
27.5 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi oo geeriyooday

Nairobi (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, halkaasi oo arrimo caafimaad loogu qaaday maalmo ka hor, kadib markii uu ku xanuunsaday Magaalada Muqdisho.

Geerida Madaxweynihii hore ayaa waxaa caawa Warbaahinta u xaqiijiyay xubno ka tirsan qoyskiisa oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Marxuum Cali Mahdi ayaa sanadkii 1991-kii loo magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii ay burburtay Dowladdii Dhexe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...