Tuesday, February 10, 2026
25.3 C
Mogadishu

Madaxweyne lagu abaalmariyay 5 milyan oo doolar!

Niger (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Niger Mahamadou Issoufou ayaa ku guuleystay abaalmarinta Hoggaaminta ee la yiraahdo Ibrahim, taas oo la siiyo hoggaamiyaasha Afrika, waxa uuna abaalmarin ahaan u helay lacag gaareysa $5 milyan.

Madaxweyne Issoufou ayaa ka tagi doona xilka isaga oo soo hoggaamiyay waddanka Niger laba xilli sida uu qabo dastuurka waddanka u yaala.

Niger, waa dal ku yaala Galbeedka Afrika oo aan bad laheyn waxaa loogu magac daray webiga Niger, waxaana sanadihii la soo dhaafay ka dhacayay weeraro argagaxiso.

Go’aankiisa ah in uu xilka ka dego markii uu muddo xileedkiisa dhameystay ayaa ka dhigan in Niger uu ka dhici doono kala guurkii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah u dhaca tan iyo markii ay xorriyadda ka qaadatay faransiiska 60 sano ka hor.

Guddiga abaalmarinta siiyay ayaa ku ammaanay hoggaamintiisa ka dib markii uu si wanaagsan u maamulay mid ka mid ah wadamada ugu saboolsan dunida.

“Wuxuu kor u qaaday dhaqaalaha, wuxuuna muujiyey xasilloonida gobolka, wuxuuna u ololeeyay dimuqraadiyadda Afrika” sida laga soo xigtay guddiga xulista sameeyay.”

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...