Thursday, June 4, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee Somaliya ‘Cali Mahdi’ oo maanta lagu Aasay Muqdisho +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Jimcihii maanta Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir lagu aasay, Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya, marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Meydka marxuum Cali Mahdi ayaa maanta diyaarad lagu keenay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu Arbacadii ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoona u dhintay Cudurka Covid-19, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Madaxda DF Soomaaliya, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubnaha Midowga Musharraxiinta qaarkood, Wasiirro, Xildhibaanno, Madaxweynaha Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Culimada Soomaaliyeed, ehelada marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa meydka Madaxweynihii hore Salaadda Janaasada kula tukaday Garoonka Aadan Cadde.

Intaasi ka dib meydka Madaxweynihii hore ee dalka ayaa loo qaaday dhanka Masaajid uu ka dhisay xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, halkaasoo uu horaan ka dardaarmay in lagu aaso.

Prof. Xasan Sheekh Nuur oo ka mid ah dadkii ay is garanayeen Madaxweynihii hore ayaa sheegay in uu marxuumka goob ka dhex calaamadeystay Masaajidkaasi, islamarkaana uu ka dardaarmay in lagu aaso.

Ugu dambeyn, Allaha u naxariistee Cali Mahdi ayaa xilka madaxtinimada ee dalka loo magacaabay 1991-kii, isagoona markaasi noqday Madaxweynihii 4aad ee dalka uu yeesho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...