Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Golaha Ammaanka oo ka shiraya arrimaha ka taagan Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Sida uu xaqiijiyay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda kulan ka yeeshaan xaaladda Soomaaliya ee murugsan.

Ergayga gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa lagu wadaa in warbixinadii ugu dambeeyay ee dadaalada Qaramada Midoobay u gudbiyo shirka.

Golaha ammaanka ayaa xoogga saaraya sidii loo qaban lahaa Doorashooyinka Soomaaliya muddo gaaban si xasiloon oo ay wada ogol yihiin Madaxda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo gacmahooda ku saxiixay 17-ka September 2020.

Fadhiga Golaha ammaanka oo ku qabsoomaya Muuqaalka Fogaan-aragga waxaa dhankooda la dhageysnayaa danjirayaasha wakiilka ka ah 5-ta dal ee joogtada ah iyo 10-kale ee ku yimaada Doorashooyinka si xog-uruurintooda gabagabada kulanka loogu soo daro War-saxaafadeedka ku xusan natiijada kulankaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...