Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya mudane Francisco Madeira.
Axmed Madoobe iyo Francisco Madeira ayaa ka wada hadley sidii loo qaadi lahaa tallaabooyinka ugu haboon ee xal lagaga gaari karo ismarinwaaga siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Sidoo kale, labada mas’uul ayaa kawada hadlay, sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho lawada ogol yahay, iyo sidii ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM u sugi lahaayeen goobta uu ka dhacayo shirka loo ballansanyahay dhowaan.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay howlgalka ciidanka AMISOM ee deegaannada maamulka Jubbaland iyo sidii loo xoojin lahaa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





