Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo Sir-baxay damaciisa Doorashada 2021-ka

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan 

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee maamulka koonfur galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay inuu rajeynayo in uu iskusoo sharaxo madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro doorashada soo socota ee 2021.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo haatan ah siyaasi madax bananan tan iyo markuu xilka ka dagay, ayaa wareysi uu siiyay Jubbaland Tv, wuxuu ku sheegay in dalka aysan xilligaan ka dhici karin doorasho dadweyne.

Wuxuu sheegay madaxda dowladda federalka in aysan waxba ka qaban amniga iyo dastuurka oo ahaa tilaabooyinkii loo baahnaa ee lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu soo jeediyay in hadda heshiis la isku raacsan yahay laga gaaro sida ay noqonayso doorashada soo socota.

Wuxuu isagu xal u arkaa doorashooyinkii dadbanaa in dib loogu laabto.

Madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed ayaa kamid ah siyaasiyiinta aadka u dhaliisan xukuumada Villa Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...