Tuesday, May 12, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweynihii hore ee dalka Ghana oo maanta geeriyooday

Ghana (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Jerry John Rawlings ayaa ku geeriyooday Khamiistii maanta magaalada Accra ee xarunta dalka Ghana.

Jerry John Rawlings ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Korle-Bu University ee magaalada Accra halkaas oo xanuun dartii loo geeyay

Taariikh Kooban:

Madaxweynihii hore ee Ghana Jerry John Rawlings ayaa waxa uu dalkaasi hogaaminayay intii u dhexeysay1982 ilaa 2002 .

Wuxuu ahaa duuliye ka tirsanaan jiray ciidanka cirka ee dalka Ghana.

Wuxuu dhashay bishii June sanadkii 1947-kii

Hogaamiyeyaasha Afrika waxay u hayeen xushmad, waayo wuxuu ahaa nin Afrikaanimada ay ku weyn tahay

Wuxuu aad ugu ole oleyn jiray in Afrika mid noqoto.

2010 ilaa 2011 wuxuu ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...