Monday, May 11, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Qoorqoor oo kulan muhiim ah la yeeshay Xisbiyada Mucaaradka +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa tegay Hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xadan Sheekh Maxamuud halkaas oo uu kulan kula qaatay Madaxda Xisbiyada Dalka.

Kulankan ayaa waxaa looga hadllay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii loo dhammeytiri lahaa heshiiskii hannaanka doorashada ee lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb3.

Sidoo kale, waxaa kulankaasi ka qeyb galay Xisbiyada ku mideysan Madasha Xisbiyada Qaran iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, iyaga oo la filayo in Madaxweyne Farmaajo la qaatan kulan looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka maalinta berri oo Sabti ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...