Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo goor-dhow ka dhacay magaalada Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Warar goor-dhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya, in qarax xooggan uu ka dhacay magaaladaasi, kaasi oo si weyn looga maqlay guud ahaan magaalada.

Wararka ayaa sheegaya, in qaraxaasi uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasi oo isku qarxiyay meel aad ugu dhow iridka masaajid ku yaalla magaalada Kismaayo.

Qaraxani ayaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, walow aan si rasmi ah loo ogeyn tirada.

Wararka ay helayso Warbaahinta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in masjidka uu qaraxa ka dhacay ay ku dukanayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland, walow qaraxa uu dhacay markii Salaada Jimcaha laga soo baxay kadib.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Halqaran.com

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...