Wednesday, January 21, 2026
24.6 C
Mogadishu

Madaxweyne Laftagareen oo maanta xariga ka jaray xarunta cusub ee maamulka degmada Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Sabtidii maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee maamulka degmada Baydhabo ee gobolka Baay, taas oo loo dhisay si casri ah.

Munaasabad lagu qabtay xarunta degmada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Laftagareen, qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, maamulka degmada iyo kan gobolka intaba.

Sidoo kale, waxaa xaflada goobjoog ahaa waxgarad, haween, dhallinyaro, fannaaniin iyo qeybaha kale ee bulshada reer Baydhabo.

Laftagareen oo madasha ka hadlay ayaa ugu horreyn boggaadiyey maamulka magaalada Baydhabo oo horumar ballaarsan ku sameeyey xarunta degmada iyo xafiisyadeeda, si loogu adeego dadweynaha ku dhaqan halkaasi.

Sidoo kale, madaxweyanaha ayaa tilmaama in dib u dhiska casriga ah ee lagu sameeyey goobtan ay qeyb ka tahay horumarka uu hiigsanayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen ayaa muddada uu joogo xafiiska ayaa waxa badan ka qabtay magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed, isagoona hirgaliyey adeegyo kala duwan oo ay ku diirsadeen dadka ku dhaqan gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...