Sunday, February 8, 2026
24.8 C
Mogadishu

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland: Salaanta iskama qaadno madaxweyne Deni! +(WAREYSI)

Garowe (Halqaran.com) – Waxaa mar qura soo shaac baxday Khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo Ku xigeenkiisa, taasi oo keentay Khilaafka inuu gaaro meel aad u fog.

Khilaafka labada mas‘uul ayaa bannaanka yimid, kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne ku xigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye ku xigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni.

Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Puntland Mudane Karaash ayaa sheegay in aan lagala tashan magacaabistaasi.

“Waxaan qoonsaday magacaabista taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah,” ayuu yiri Axmed Karaash oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da

Sidoo kale, Khilaafka ayaa cirka isku sii shareeray kadib markii 22kii Bishan Madaxweynaha uu magacaabay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa beeniyay in lagala tashaday magacaabista wasiiraddaasi, waxaana uu sheegay Madaxweye Ku xigeenka in xittaa Salaanta aysan iska qaadin Madaxweynaha.

“Ma dhicin wadatashi, marxalad aan ka wada tashanno markaa ma jirin… war dee annagaan salaanta iska qaadin, miyaan wada tashan karnaa,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...