Tuesday, May 12, 2026
30.9 C
Mogadishu

Madaxweyne ku-xigeenka PLD oo kormeeray dhisme cusub oo ka socda Madaxtooyada Puntland +(SAWIRRO)

Garoowe (Halqaran.com) – Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Axaddii maanta kormeeray dhismeyaasha cusub ee lagu kordhinayo Madaxtooyada Puntland, kuwaasi oo meel wanaagsan maraya iyo sida ay u socoto horumarinta bilicda xarunta Madaxtooyada.

Axmed Karaash ayaa xarumaha uu kormeeray waxaa ka mid ah dhismaha hoolka shirarka, qaabka casriga ah ee loo dhisayo qeybta soo dhaweynta martida, dhismayaasha xarumo kulan oo cusub iyo beerta nasashada ee xarunta Madaxtooyada taasi oo kor uqaadeysa bilicda Qasriga Madaxtooyada Puntland. 

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa waxaa Koormeerka ku weheliyey agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyadda ee Madaxtooyada Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi, oo la wadaagay Madaxweyne ku-xigeenka warbixinta shaqada dhismeyaasha ka socda xarunta madaxtooyada oo meel gabagabo ah maraya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...