Addis Ababa (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Itoobiya ahna Wasiirka arimaha dibadda Demeke Mekonnen ayaa sheegay in howlgalka ka socda gobalka Tigrayga ee waqooyiga dalkaasi laga sameynayo horumar dhaqso ah.
Demeke Mekonnen ayaa sheegay, in badbaadada shacabka ay ahmiyada koowaad siinayaan inta lagu gudo jiro howlgalka, isagoona tilmaamay in dowladu gargaar bani’aadanimo ka wado meelaha laga xoreeyay ciidamada TPLF ee gobalkaas.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Itoobiya ahna Wasiirka arimaha dibadda ayaa hadalkiisa ku soo beegmaya, iyada oo Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha gargaarka walaac ka qabaan xaalada dadka rayidka ah ee ku nool gobalka tigreega.
Waxaa jira eedeymo sheegaya in gabood fallo dagaal ay ka dhaceen galbeedka Tigrayga oo dad shacab ah lagu laayay.
Dagaalka ka socda waqooyiga dalka Itoobiya oo galay maalinkii 12-aad ayaa waxa uu sababay barakac xoog leh .
Ugu dambeyn, hay’adda UNHCR ayaa sheegtay, in dalka Suudaan maalinkii ay gaaraan dad ku dhow 4,000 oo colaada ka jirta Itoobiya ka baxsanaya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





