Monday, April 27, 2026
27.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo: ”Si deg-deg ah haloo joojiyo dagaalka ka socda Wanlaweyn”

Madaxweynaha JF Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Odeyaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaannada in ay u istaagaan xallinta colaadda macno darrada ah ee beelaha walaalaha ah ku dhexmartay degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxwaynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) sida deg-degga ah ee ay ugu baxeen, una kala dhex galeen malayshiyo beeleedyada dagaallamayey, waxa uuna ku tilmaamay colaaddan arrin fool-xun oo aan la aqbali karin.

“Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waxaa nasiib darro ah in dadkeennu ay u dagaallamaan qabyaalad iyo malayshiyo beeleed oo ay dhiigooda u daadiyaan, iyadoo aynu ku jirno maalmihii barakeysnaa ee bisha Shacbaan oo cibaadada iyo sadaqada lagu dadaalo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dalka.

Mr. Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo nabadda deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday,iyada oo loo dirayo guddi soo baara dhibaatada ka dhalatay.

Ugu dambeyn, madaxwayne Farmaajo ayaa tacsi u diray dhammaan ehelada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen dadkii birima-geydada ahaa ee ku nafwaayey colaaddan, waxa uuna Alle u weydiiyey caafimaad deg-deg ah dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...