Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Axaddii maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Midowga ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga.
Kulan ay yeesheen Xubno ka socday Madasha Xisbiyada Qaran uuna hoggaaminayay Guddoomiyaha Madasha Sheekh Sharif iyo danjiraha Midawga Yurub ee Soomaalia, Ambassador Nicolas Berlanga ayaa looga hadley arimo ay kamid yihiin.
1. Ilaalinta Dastuurka iyo dhowrista xuquuqda muwaadinka.
2. Qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah xilligii loo asteeyay, aysanna dhicin wax mudo kordhin ah.
3. Xaqiijinta kuraasta loo qoondeeyay haweenka
4. Iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa ka hortagga iyo la tacaalidda cudurka CoronaVirus.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






