Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Madaxweyne Erdogan oo xariga ka jaray Masjid dhismihiisa uu muran badan ka dhashay

Istanbul (Halqaran.com) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa daah furay Masjid weyn oo ku yaalla fagaaraha caanka ah ee Istanbul kadib tobanaan sano oo maxkamad iyo doodo dadweyne ay hor taagnaayeen, doodahaas oo ku saabsan in astaan diimeed laga dhiso bartamaha magaalada Istanbul.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii furay Masjidkan ku yaalla fagaaraha Taksim ee magaalada Istanbul, isagoo fulinaya himilo tobanaan sano jirsatay oo ah inuu ka dhiso Masjid ay ku cibaadeystaan Muslimiinta bartamaha magaalada ugu weyn Turkiga.

“Masjidka Taksim hadda wuxuu ku yaal meel caan ah oo ka mid ah astaamaha Istanbul, haddii eebe idmana weligiis wuu jiri doonaa,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan kaddib salaaddii Jimcaha.

Masjidkan ayaa ku xardhan astaamihii dowladdii Cusmaaniyiinta iyadoona qaab casri ah loo dhisay, isagoona qaadaya ilaa 4,000 oo qof.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...