Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Faah faahin laga helayo qarax khasaare geystay oo ka dhacay Afmadow

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino nooca dhulka lagu aaso oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland oo socdaal ku marayay wadada u dhaxeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani.

Inta la xaqiijiyay qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa ku dhintay saddex askari iyo sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Cabdullaahi Carab, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inay jiraan askar dhaawacyo soo gaareen.

Al-Shabaab ayaa inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah la eegta ciidamada dowladda  iyo kuwa maamul goboleedyada, xilliyada ay ku socdaalayaan waddooyinka, waxaana dhowr jeer oo horey sidaan oo kale qarax loola eegtay ciidamo ka tirsan Jubbaland.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...