Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolada dalka ka bilaabanaya qaadista imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee fasalka 12aad.
Imtixaankaan sanadkaan waxaa u fadhiisanaya arday gaareysa 42kun kuwaas oo ku kala sugan koonfurta iyo bartamaha dalka sida Dowladda shaacisay.
Ardayda saakay u fariisaneysa imtixaankan ayaa ku kala sugan gobolka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug.
Waa sanad dugsiyeedkii 7-aad oo si rasmi ah ay imtixaanka u qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in ardayda wax ku barata deegaanada Puntland ay 7sano ka qeyb gelin imtixaanka ay qaadeysay dowladda dhexe.
Toddobaadkii tegay maamulka gobolka Banaadir oo kaashanaya Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya waxay soo gaba-gabeyeen qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe, kaas oo ay u fariisteen in ka badan 26,000 oo arday.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





