Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyay Cadaado +(SAWIRRO)

Cadaado (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Galmudug ayaa sheegaya, in halkaasi ay gaareen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland Axmed Qoorqoor iyo Siciid Deni.

Labadan mas’uul ayaa waxaa halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyay wasiirro ka kala tirsan labada Galmudug iyo Puntland, waxaana safarkooda ku wehlinaya

Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Cadaado, waxaana aad loo adkeeyay ammaanka magaalada.

Labadan mas’uul ee maanta tegay magaalada Cadaado waxaa safarkooda ku wehlinaya wasiirro ka kala tirsan labada maamul goboleed ee Galmudug iyo Puntland.

Sidoo kale, mas‘uuliyiintan ayaa safarkooda Cadaado kadib u sii gudbi doona Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo ay kulamo kula qaadan doonaan dhinacyada kala duwan ee bulshada Gaalkacyo.

Si kastaba, Madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb oo ay dhawaan uga qeybgaleen shirka madaxda DF Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...