Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegtooyin Madaxweyne xilka qaadis iyo magacaabid ugu sameeyey qaar ka mida ah golaha Wasiirada Somaliland, waxaana ay ku dhigneyd sidatan.
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.
- Ku: Cumar Cali Cabdillaahi;
Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta.
- Ku: Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
- Ku: Cabdiraxmaan Cali Cabdi;
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.
- Ku: Axmed Xasan Nuur;
Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta.
- Ku: Saleebaan Cawad Cali Bukhaari;
Guddoomiyihii Hay’ada Caymiska.
- Ku: Sahra Aadan Yuusuf;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’ada Caymiska.
- Ku: Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’adda Dhawrista Tayada.
- Ku: Axmed Abokor Maxamed;
Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
Marwo iyo Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka.
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





