Muqdisho (Halqaran.com) – Shir jaraa’id oo Isniinta maanta ah uu qabtay Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya mudane Cabdikariin Cali Kaar waxa uu faah-faahin kaga bixiyey xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, toddobaadka xorriyadda iyo halka uu marayo gurmadka gargaarka loogu fidinayo shacbka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.
Mr Cabdikariin Cali Kaar ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Madaxweynuhu tahay mid aad u fiican oo aan wax dhibaato ah dareemaynin balse keliya laga helay CAABUQA COVID-19.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daraya in maalinta beri uu Madaxweynuhu mari doono baaritaan Caafimaad, wuxuu sidoo kale xusay, in Madaxweynugu shaqo maalmeedkiisa u gudanayo hab waafaqsan habraacyada loo dejiyey xakamaynta faafitaanka COVID-19.
Geesta kale Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay, in Dowladdu wax ka bedeshay habkii loo xusi jiray munaasabadaha toddobaadka Xorriyadda oo hore loo qaban jiray Xafladdo waaweyn, balse sanadkan loo bedelay in loo gurmado Shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, iyadoo la fulinayo amarka Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





