Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland oo Hargeysa ku qaabilay Wafdi ka socda Taiwan

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Isniintii maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Taiwan ku leeyahay Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaraadaasi.

Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay adkaynta xiriirka labada dhinac, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka.

Sidoo kale kulanka ayaa waxa lagu lafo-guray sidii Taiwan uga caawin laheyd Somaliland mashaariicda biyo balaarinta magaalooyinka siiba dhinaca qodista biyo xireenada ama dhaamamka iyo sidii Somaliland Taiwan isaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Kulanka ayaa ku dhamaaday is afgarad buuxa, iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka iyo dawladiisaba dadaalka ay ugu jiraan adkaynta xiriirka labada dhinac, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Taiwan oo ah gobolka ka mid ah Shiinaha ayaa aaminsan inay ka go’day dowladda Shiinaha.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...