Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan ganacsadihii caanka ahaa ee lagu dilay Kismaayo

Kismaayo (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin ka soo baxaya, dil maanta magaalada Kismaayo loogu geystay mid ka mid ah ganacsatada ugu caansan deegaannada Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya, in rag ku hubeysan bistoolado ay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo ku dileen maamulihii Shirkadda Xawaaladda Amal ee Kismaayo, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Raggii dilka geystay ayaa la sheegay in islamarkiiba ay goobta ka baxsadeen.

Ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray marxuum Cabdullaahi Cabdisalaan (Shig-Shigow) ayaa la dilay xilli uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaadda Duhur.

Ciidamo ka tirsan booliska Magaalada Kismaayo ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, islamarkaana goobta ka sameeyay howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaasi.

Weli wax faah-faahin kama bixin laamaha Amniga Magaalada Kismaayo dilka loo geystay maamulihii Shirkadda Xawaalada Amal ee Kismaayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...