Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Madaxweynaha Somaliland ‘Muuse Biixi’ oo maanta Hargeysa kulan kula yeeshay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya +(SAWIRRO)

Hargeysa (Halqaran.com) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Khamiistii maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo arrimo la xiriira dhinacyada amniga mandaqadda Geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada.

Sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafa-guray arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya iyo wafdigiisa uga mahadnaqay xiriirka wada shaqayneed ee labada dhinac iyo sidii loo sii dardargelin lahaa loona xoojin lahaa xiriirkaasi.

Danjire Ben Fender, ayaa dhinaciisa waxa uu sheegay in ay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta labada dhinac iyo in la xoojiyo lalana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda Geeska Afrika.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...