Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Muqdisho waxaa khamiistii socdaal ku yimid Madaxweyneyaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Labada Madaxweyne oo diyaarad ka soo raacay Garoonka Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo ayaa waxay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ku soo dhaweysay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma cadda ujeedada ay xilligan u yimaadeen Magaalada Muqdisho, balse waxay Magaalada Baydhabo kaga qaybgaleen Shirka Iskaashiga ee Maamulada Hirshabelle Iyo Koonfur Galbeed.

Madaxda Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa waxaa la tilmaamaa inay xiriir dhow la leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Socdaalka labadan madaxweyne ayaa ku soo beegmeysa, xilli Madaxweyneyaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaah Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ay kulan ku leeyihiin Magaalada Boosaaso.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...