Saturday, May 9, 2026
26.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland ‘Saciid Deni’ oo cafis u fidiyay odayaashii ku xirnaa magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa cafiyay maxaabiis ku xirnaay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Maxaabiista la cafiyey, oo tiradoodu gaareyso gaareyso 39, ayaa waxaa ka mid ah odayaaal iyo siyaasiyiin uu ku jiro Muuse Cali Jaamac.

Cafiska Maxaabiistaan, ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii Madaxweynaha uu shalay booqday Xabsiga dhexe ee Magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay ku xirnaayeen maxaabiistaan.

Maxaabiista la cafiyay ayaa soo dhaweeyay go‘aanka Madaxweynaha uu ku cafiyay, waxaana ay sheegeen inay ka mahadcelinayaan tallaabada Maxaabiista lagu cafiyay.

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato Odayaasha ku nool Magaaladaasi oo uu kala hadlo arrimaha ammaanka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...