Saturday, May 9, 2026
26.9 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho Cumar Filish oo kulan arrimo badan looga hadlay la qaatay madax ka socota Qaramada Midoobay +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, gaar ahaan isuduwaha dhinaca arrimaha beni’aadanimada Mr.Adam Abdelmoula.

Kulankani oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenada maamulka iyo arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir ayaa looga hadlay sidii hey’adaha Qaramada Midoobay ay dowladda hoose Xamar uga caawin laheyd horumarinta arrimaha barakacayaasha, shaqa abuurka, waxbarashada, xoojinta taageerada dhinaca Amniga iyo dib u dhiska Caasimadda.

Kulanka kaddib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan isuduwaha dhinaca arrimaha beni’aadanimada Mr.Adam Abdelmoula oo sheegay in maamulka ay ka caawin doono wax u qabashada barakacayaasha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay madaxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ay isla meel dhigeen waxyaabo badan oo dhanka iskaashiga ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...