Maxaa ka soo baxay Shirkii Jaraa’id oo ay Boosaaso ku qabteen madaxda Puntland iyo Jubbaland?

Boosaaso (Halqaran.com) – Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaah Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Shirka jaraa’id ayaa ka dambeeyay markii Madaxweynaha Puntland uu maanta Garoonka Boosaaso ku soo dhaweeyay wafdi uu horkacayay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu booqasho taariikhiya ku yimid Magaalada Boosaaso, taasoo cadayn u ah iskaashga iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dhinac sida uu yiri.

Mr. Deni ayaa tilmaamay in dhigiisa Jubbaland ay isu aragti ka yihiin ilaalinta federaalka, xaq dhawrka xeerarka iyo weliba la dagaalanka kooxaha argagixisada.

“Puntland iyo Jubbaland waxay ka mideysan yihiin ilaalinta nidaamka federaalka, xaq dhawrka xeerarka iyo dastuurka, geedi socodka siyaasadeed iyo la dagaalanka argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Jubbaland oo hadalka qaatay ayaa sheegay muddo dheer ka dib inay tahay markii ugu horeysay oo uu booqasho ku yimaado Xarunta Gobolka Bari ee Magaalada Boosaaso, isla-markaana ay magaaladu ka jirto is bedel weyn oo dhanka horumarka ah.

Madaxweynaha Jubbaalnd ayaa sidoo kale sheegay in labada maamul ay ka wada shaqayn doonaan, sidii loo xoojin lahaa xiriirkooda wanaagsan, ee ku dhisan iskaashiga iyo sidii kaalin muhiim ah ugu yeelan lahaayen horumarka dalka, gaar ahaan hannaanka federaalka iyo weliba arrimaha amniga.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa intaa ku daray in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan danta guud ee dalka, isagoo Puntland ku ammaanay inay lafdhabar u tahay hannaanka dowladnimo ee Somaliya.

“Waxaan jecelnahay inaan ka wada hadalno danta guud ee Somaliya, iyadoo Puntland ay tahay hooyadii federaalka, ilaaliyaha federaalka iyo nidaamka dowladeed, ee aan ku jirno, oo ay gundhig u ahayd.” Ayuu yiri Madaxweyne Madoobe.

Ugu damebyn, deegaannada Puntland ayaa waxaa si weyn loo hadal hayaa safarkii uu maanta magaalada Boosaaso ku tagay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com