Sunday, February 15, 2026
25.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Wasiiro iyo Wasiiru Ku-xigeeno +(Magacyada)

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.45 ee 22d May 2020 kuna saabsan magacaabid Wasiiro iyo Wasiiro Ku xigeeno ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska.
  2. Waxaa Eng. Maxamuud Xaaji Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.
  3. Waxaa Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
  4. Waxaa Ismaacil Saleeban Geelle loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDRta.
  5. Waxaa Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta.
  6. Waxaa Saynab Ismaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda.
  7. Waxaa Maxamed Axmed Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha.
  8. Waxaa Cabdiqani Axmed Ismaciil (Deero Dile) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqalaha.

Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...