Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

”Axmed Madoobe wuxuu kaliye heshiis la gaaray mucaaradka ka soo jeeda Beeshiisa” waxaa yiri…

Kismaayo (Halqaran.com) – Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb, Francisco Madeira oo ka mid ahaa Madaxdii hadallada ka jeedisay kulankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrimo ay kamid yihiin xaalada Siyaasadeed ee Maamulka Jubbaland.

Danjiraha waxaa uu sheegay in hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu kaliya heshiis la gaaray mucaaradka kasoo jeeda Beeshiisa, hayeeshee loo baahan yahay in dhammaan Beelaha dega deegaannada Jubbaland uu xal la gaaro.

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira waxaa uu sheegay in uu xaqiijinayo in weli la boohan yahay in lasii ambaqaado dib u heshiisiin dhab ah oo dhamaan deegaannada Jubbaland ka hirgasha lana qanciyo dhamaan Xubnaha mucaaradka ah.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa 23-kii bishii April ee sanadkaan heshiis ku kala saxiixday hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubnihii isbedel-doonka Jubbaland ee diidanaa doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo, waxaana soo dhaweeyay heshiiskaas Beesha Caalamka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...