Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Wasiirka Diinta ee XF Somaliya oo xaqiijiyay in aysan barri CIID aheyn

Muqdisho (Halqaran.com) – Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay in maalinta berri ay noqon doonto maalinta ugu dambeysay ee bisha Soonqaad, maadaama caawa bishii la waayey, sidaasi darteed Axadda ayaa la ciidi doonaa.

Warbaahinta dalka Turkiga ayaa sidoo kale soo tebisay in bishii Soonfur aan laga arkin dalkaasi, isla markaana maalinta berri la dhameystiri doono bisha Soonqaad.

Sidoo kale, dalalka Indonesia, Malaysia, Philippines iyo Singapore ayaa ku dhawaaqay in la dhammeystiri doono berri Soon.

Wasiirka Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa dhankiisa sheegay in maalinta berri aysan aheyn Ciid.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagaynaa xaqiijin qotodheer ka dib in berri oo Sabti ah aanay ahayn Ciid; sidaas darteed waxaa la dhammaystiraynaa Bisha Ramadaan” ayuu yiri Wasiir Sheekh Nuur.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...