Saturday, May 9, 2026
27.3 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in Xabsiga laga sii daayay Wariye Coldoon?

Hargeysa (Halqaran.com) – 24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay warar is burinayay oo ku saabsanaa in xabsiga laga siidaayay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo Muddo Sanad iyo dhowr bilood ah u xiran Somaliland.

Hadaba Abwaan Saciid Gaheyr oo kamid ah Abwaaniinta deegaannada Somaliland ayaa sheegay in wararkaas sheegaya in Xabsiga laga siidaayay Wariye Cabdi Maalik Coldoon aan waxba ka jirin, isla markaana weli uu xiran yahay.

Abwaanka ayaa sheegay in laba midkood lagu siideyn karo Wariye Coldoon, kuwaas oo kala ah, in uu kusoo baxo Cafsi Madaxweyne iyo in uu dhammeysto waqtiga uu ku xukunaa.

8-dii Bishii July Saadkii 2018 ayaa Maxkamadda Magalada Hargeysa waxaa ay Wariye Cabdi Maalik Coldoon ku riday xukun Saddex Sano iyo lix Bilood ah,kadib markii lagu eedeeyay inuu Af lagaadeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Dugsiga Abaarso oo ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...