Gaalkacyo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaaladda Gaalkacayo.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo kasoo laabtay Shirkii Dhuusamareeb ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagay magaalada Gaalkacyo.
Safarka Madaxweyne Deni ayaa waxaa ku weheliyay xubno ka mid ah Golahiisa wasiirada, waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay masuuliyiin iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo.
Siciid Deni oo goob fagaaro ah kula hadlayay dadkii u soo banaanbaxay soo dhoweyntiisa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka shaqeynta danaha ummadda Soomaaliyeed iyo midka Puntland, isagoona sheegay in ay ku taagnaan doonaan waxa maslaxadda guud ay ku jirto.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka soo ambabaxay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, wuxuuna safar xagga dhulka ah ku soo maray magaalada Cadaado, waxaana la socday Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com











