Garoowe (Halqaran.com) – Muddooyinkii dambe waxaa soo baxayay hadal hayn ku aadan in Madaxda dowladda Federalka Soomaaliya ay qorsheynayaan muddo kororsi, ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay waxaa ka hadlay Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Dani.
Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa muddo xileedkeeda waxaa uga dhiman Sanad iyo bar, mana muuqato saan saan ku aadan hanaanka ay noqon doonto doorashada Somaliya ka dhaceysa, waana sababta keentay shakiga ah in madaxda ay qorsheynayaan muddo kororsiga.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Dani oo Wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, ayaa wuxuu sheegay in aanan laga aqbaleyn madaxda dowladda inay sameeyaan muddo kororsi ku aadan Xafiiska Madaxtooyadda dalka.
Siciid Cabdulaahi Dani ayaa sheegay Somaliya inay heshiis ku tahay muddo Afar Sano inay hayaan xilka Madaxda, islamarkaana wixii xiligaasi ka dambeeya ay dhacdo doorashada Madaxweynaha oo loo wada tartami karo, balse meesha aysan ku jirin wax la dhaho muddo kororsi.
”Wax Soomaali heshiis ka tahay waxaa ka jira illaa hadda oo hirgalay waa in doorashada waqtigeeda ku dhacdo, Illaa Mbagathi 2004 dowladdihii intii madax isaga kala dambeysay heshiiskaas ayaa lagu socday, dib u dhac marna ma imaan, muddo kororsina ma imaan marka ma rajeyneyno arrimo noocaas ku jiraan inay dhacaan, waxay dib u celineysaa in Soomaaliya halka arrin u qabsamoomay inay dib uga noqoto, hada waxaa u qabsoomay afar sano kasta in la is doorto, kaasaa rajeynayaa in aysan caqabad gelin, haddii tii la rabay la qaban waayo, in kuwo xilligii hore la qaban jiray la sameeyo oo la dhaho maxaa noo dan ah.” ayuu yiri Saciid Deni.
→DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:⇓
- XOG XASAASI: Hoggaamiye Axmed Madoobe oo joojiyay wafdi u socday Madaxweyne Farmaajo (Ogow Sababta)
- XOG: Ma Dhabbaa in Daroogo lagu iibiyo Qunsuliyadda Soomaaliya ee Jeddah? & Khilaaf adag oo ka taagan qunsuliyadda!
- DEG DEG + DAAWO MUUQAAL: Gudoomiye ku-xigeenka Badhan oo u hanjabay Puntland, ‘cidna iguma xiri karto Badhan’!
- WAR XASAASI AH: JABHAD cusub oo ka dilaacay gobolka Awdal, una hub-aruursanaya Xukuumada Somaliland
- ARAG SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray guddoomiye Mursal iyo dhiggiisa dalka Turkiga
Qorshaha Madaxda dowladda Federalka Somaliya ayaanan cadeyn, balse waxaa jira shaki wayn oo ku aadan in madaxda ay doonayaan muddo kororsi inay sameeyaan, inkastoo taasi aysan macquul noqon karin.
Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com