ARAG SAWIRRO: Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray guddoomiye Mursal iyo dhiggiisa dalka Turkiga

Ankara (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha shacabka Barlamaanka JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhigiisa Turkiga Mustafa Şentop.

Labadan mas’uul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo is dhaafsiga khibradaha iyadoo guddiyada labada baarlamaan ay is dhaafsan doonaan booqashooyin, sidda lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka.

Sidoo kale waxaa aqoon kororsi iyo tababaro la siin doonaa shaqaalaha Baarlamaanka sidaas waxaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee (BJFS)

Inta uu soconayay kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa Guddoomiye Mursal ku casuumay dhigiisa in uu yimaado Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Mursal oo safar shaqo u jooga dalka Turkiga ayaa wada dadaallo uu ku doonayo in Guddiyada Baarlamaanka iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka in ay helaan tababarro iyo booqashooyin qibrad is-dhaafsi ah.

DAAWO MUUQAALLO KALE ,Sii Akhri Wararka Kale ee Maanta:




Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com