Tuesday, May 12, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ‘Lafgareen’ oo la kulmay Culimada magaalada Baydhabo

Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta waxaa uu Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kula kulmay Culimada deegaannada Koonfur Galbeed.

War kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo fulinaya hanaqaadka Dowladnimada Deegaannada Koonfur Galbeed sidii ay uga qeyb qaadan la hayeen uu culimada ula kulmay.

Madaxweyne Laftagareen iyo Culimada ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii ay Culimada Gacan uga geysan lahayeen Doorkooda ku aadan Horumarka iyo Xasiloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Waxaa magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay dhawaan ka dhacay faraxumeyn loo geystay laba Carruur ah, iyadoo laba rag ah oo lagu eedeeyay la toogtay. Waxaana Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed ay bilaawday inay Culimada kala hadasho ka hortagga arrimahaasi oo kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...